
Sawirada Hoos Kadaawo
Oslo Norwey (Somaliswiss)18. Janaayo 2007Waxaa maanta ka dhacay magaalada Oslo ee Dalka Norway banaanbax balaaran oo ey soo qaban qaabiyeen Jaaliyadaha Somaliyed ee ku dhaqan dalka Norway, kaasoo lagu taageerayay Maxkamadaha Islaamka loogana soo horjeeday Duqeynta mareykanka uu ku hayo dalka Somaliya iyo ciidamada Ethiopianka ah ee ku sugan gudaha Dalka Somaliya.
Banaanbaxan ayaa dadka kasoo qeyb galay lagu qiyaasay ugu yaraan 600 Qof oo isugu jiray (Rag) (Dumar) (Caruur) iyo (Duqoowba) Dadkaasoo ahaa dad si aada uga xumaa waxa kasocda wadankooda Somalia.
SomaliSwiss




























