Waxaan aad ugu faraxsanahay halganka waddaniyinnta Muslimka ah ee Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Caalamka,waxaana munaasabadda ay isugu yimaadeen Jaaliyadda Switzerland waxaan ku dhiirigelinayaa inay difaacaan Diintooda, dadkooda iyo dalkoodaba”.
Sidaas waxaa yiri Amiirul Mu`minaynta Soomaaliyeed Al.Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo si toos ah qadka Telefonka ugu soo qayb shirka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland oo galabnimadii Jimcaha ahayd lagu qabtay Kanton Berna.
Muxaadarrada uu Sheikh Shariif ka jeeday ayey ahayd mid ruuxday ama gilgishay quluubta Muwadiniinta taageersan Midowga Maxakiimta Soomaaliyeed,hase ahaatee Sheikhu wuxuu kula dardaarmay inay ka qayb qaataan dagaalka lagula jira diin laawayaasha ku soo duulay dalka Soomaaliya.
Kuwaas oo ah kuwa ka soo horjeeda in Kitaabka Eebbe iyo Sunnada Nabigeena lagu Xakumo dalka iyo dadka Soomaa-liyeed , sidaas darteed ay waajib tahay in loo huro naf iyo maalba.
Hadalkaas ka soo yeeray Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa waxaa xamaasad iyo qiira xoog leh oo dhiigooda dhaqaajiyey Waddaniyiinta mu`minka ah ee ka soo qayb galay Shirkaas.
Waa Shirkii labaad oo ay qabtaan Jaaliyadaha dalkan Swisska oo si toos ah ugu soo qayb galo Sheikhu , asagoo guubaabidiisu u soo marinayo codboohiyaha Taleefonka.
Shirarka iyo kulammada loogu hadlayo sidii loogu xurayn lahaa xabashada tigreega ah ee sida gardarrada ah ee ugu soo duushay dhulka soomaaliyeed ayaa Soomaalida ku nool gudaha iyo dibedda dalka ay ku midowday.
Sidaas darteed,shirkii maanta lagu qabto magaala madaxda dalkan Switzerland ee Berna ee ay isugu yimaadeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Gobollada Zürich,Berna, Lousanne iyo Luzern,wuxuu ahaa mid mira dhalay.
Ka dib markii uu dhameeyey sheikh Shariif Guubaabadii xamaasadda gelisay Soomalida ayaa waxaa uu sheikhu oggolaaday in la weydiiyo su`aalo kooban, waxaana ka mid ahaa in Midowga Maxaakiimtu ay ka qayb geli doonaan Shirka la sheegay in lagu qaban doono Magaalada Muqdisho iyo in kale ? Wuxuuse uu ku jawaabay Sheikh Shariif sidatan:-
Mabdi ìyan annagu horay ayaa u sheegnay shuruudaha macquulka ah waxaana ka mid ah:-
Waxaa kaloo shirkaas looga hadlay xaaladda guud uu dalka marayo, waxaana halkaas warbixin kooban ka soo jeediyey Guddoomiyaha Guddiga Ururka Difaaca Diinta, dadka iyo dalka Soomaaliyeed ee Kanton Zürich Mudane Sheikh Xassan Naaji, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa Cududda jaaliyadaha ku nool dalkan Swiss-ka.
“Haddii aan qabsanno Kitaabka ALLE iyo Sunnada Nabigeyna (csws),waxaa hubanti ah in guusha ku dambeyn doonto gacanta waddaniyiinta muslimka ah”sidaas waxaa yiri Sheikh Xassan Naaji.
Waxaa kaloo ugu dambeyntii shirkaas ka hadlay Guddomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee Kanton Berna oo ka warbixiyey sida ay soomaalidu kantoon Berna ay u mideysan yihiin oo had iyo jeerba ay diyaar ugu yihiin wax-qabadka dalkooda.
Dood dheer ka dib ayaa waxaa la go`aansaday in Gobol kasta uu soo sameysto guddi uga wakiil ah taakuleynta iyo gargaarka Difaaca diinta,dadka iyo dalka Soomaaliyeed, kadibna dib la isgu soo noqdo kulanka kale.
Waxaana goobtaas lagu uruuriyey lacag lagu gargaarayo dadka Soomaaliyeed oo ku waxyeeloobay gumaad sida naxriis darrada ay ciidammada Itoobiyaanka ka wadaan dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Somaliswiss A.Dhicisow/ Yuusuf Garabey
somaliswiss@hotmail.com