Daawo Sawirada
Halkaan ka akhri
Waxaa Sabtidii barqanimadii ka bilowdey Xarunta wadanka Ireland ee Dublin, isu soo bax balaaran oo ay ku mujinayen Jaliyada somaliyed ee reer Ireland Shacuurtooda ku aadan “xasuqa dadban iyo kan tooska ah ee ay ku hayan Dawladaha Ethiopia iyo Mareykanka”, kaas oo aan lookala abaa yelin Bulshada somaliyed ee lagu barakiciyey Magalada muqdisho iyo nawaxigeeda.
Dadka bannaanbaxayey waxay socod dheer ku soo mareen Safarada Maraykanka iyo tan Ethiopia, ugu danbayntiina ku soo aruureen aqalka Barlamanka halkaas oo ay wax garadka jaliyada Soomaaliyeed ee reer Ireland kula hadleen ayna ku soo bandhigeen khudbado xambarsanaa Qiiro iyo wadanino.












Dadwaynahaan oo ruxayey tabeelayaal ay ku xardhanyihiin sawirda hogamiyayasha sadexda dowladood iyo halku dhigyo ay ka mid ahaayen “hadhaco Bush Iyo Sanawi iyo dabadhilifyada u shaqeeya, hanaga baxdo Ethiopia Dalka Somalia si sharuud la’an ah hada.”
Waxay gudigii soo qaban qabiyey bananbaxan u gudbiyeen waraaqo ku saababsan cabashadooda baarlamaanka dalkan Ireland iyo Safarada mareykanka.
waxaa kale oo dadkii soo ababuley mudaharadka u qaybiyen Farimo ay ku mujinayeen dhibada Ethiopia ay ku hayso Shacabka Somaliyed.
Bananbaxan ayaa ugu dambeyntii ku soo gaba gaboobay si guul ah.
KUDUN AHMED MUSSE
Dublin Ireland
00353851496033
kudun19@hotmail.com



















