Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo jwaab ka bixiyey hadal ka soo yeeray Maxamed Dheere.

 axmed_diiriye.jpg

 Axmed Diiriye

Halkaan ka akhri

Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa si kulul uga jawaabay hadal Shalay kasoo yeeray gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed dheere oo Hawiye ku eedaynayay in ay garab siiyan kooxda Al Shabaab. 

Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa ku tilmaamay Hadalka Maxamed Dheere mid Mas’uuliyad dara ah oo aan ku haboonayn in uu ku hadlo Maxamed Dheere. 

Golaha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaar u yihiin wada xaajood kasta oo ay la gelayaan dowlda Federaalka Soomaaliya hadii ay maslaxad ugu jirto shacabka Soomaaliyeed. 

Axmed Diiriye oo Warbaahinta Muqdisho u waramayay ayaa Maxamed Dheere ku tilmaamay Nin waalan ” Maxamed dheere waa Nin ilaah abuurtay oo aan wax Caqli ah lahayn marka waa in ayna Bulshada Soomaaliyeed ku jiha wareerin hadalka qar katuurka ah ee uu ku hadlo Maxamed Dheere” ayuu yiri Axmed Diiriye . 

SomaliSwiss Muqdisho 

SomaliSwiss@hotmail.com