Magaalada Nairobi
Halkaan ka akhri

Kulan Afur iyo Casho sharaf isugu jiray oo ay soo qaban-qaabiyeen bulshada Soomaaliyeed ee deggan dalka Kenya, isla markaana lagu casuumay mas’uuliyiinta isbaheysiga dib u xorreynta Soomaaliya garabka Jabuuti, ayaa xalay lagu qabtay Inter-continental Hotel ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

C/kariim Sabriye Maalin oo ka mid ah qaban-qaabiyayaasha munaasabaddani ayaa ugu horreyn halkaasi ka sheegay inay wafdiga isbaheysiga la qaadeen dib u heshiisiinta, “Dadka Soomaaliyeed ee jooga dalka Kenya dhammaantood waxay diyaar u yihiin inay idin kala qeyb qaataan dib u dejinta iy dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed ee aad horkaceysaan” ayuu yiri C/kariim.

Sh. Maxamed Cali Taraar oo ka mid ah culimaa’uddiinka Soomaaliyeed oo isaguna ka hadlay kala dambeynta iyo faa’iidada ay u leedahay bini’aadamka ayaa sheegay in bini’aadamku uu qiime ku leeyahay un nidaamka, hadduu nidaam waayahana aanu waxba ka duwanayn duur-joogta aan carbisneyn, “Walaalayaal waxaan idin sheegayaa dowlad kasta oo xun, nidaam la’aanta ayay dhaantaa, fowdadu waxba ma reebto, dal, diin dad iyo karaamo wax Allaale waxay reebto maleh” ayuu yiri Sheekhu.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Sh. C/casiis Xaaji Maxamed oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed isagoo dadka u soo jeediyay in heshiiska la taageero, dilalka qorsheysan ee ka socda gudaha dalka mar uu ka hadlayay Sh. C/casiis wuxuu yiri “Ruux muslim ah dhiigiisa iyo in la dilaa oo loogu soo marmarsiyoodaa gaalo ayuu la socdaa, ama amxaaro ayuu wataa ama dowladdaas ayuu u shaqeeyaa loo dilaayo wax bannaan ma ahan, Illaahay wuu ka gooddiyay wuxuu yiri: Qofkii qof Mu’min ah dila isagoo u kasaya abaal marintiisu waa jahannama, Allena wuu u caroodaa”, isagoo intaa ku daray in heshiiska lagu taageeri karo iyadoo la joojiyo dagaallada iyo dilalka socda.
Waxaa kaloo halkaasi hadallo gogol xaar u ahaa khudbadaha mas’uuliyiinta isbaheysiga ka jeediyay Culimaa’uddiin, waxgarad iyo ganacsato, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Sh. C/risaaq C/llaahi Aadan, Abwaan Maxamuud Maxamed Indha-geelle, Xaaji Xasan Guuleed, Axmed Xirsi, Ugaas C/raxmaan Xaaji Xuseen iyo Sh. Cabdi Suudaan.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jabuuti, Shariif Xasan Sh. Aadan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in laga yaabo waddada nabadda inay dheer tahay oo ay u baahan tahay meelo badan in lagu istaago, “Maanta Caalamka haddii la aaminsanaa Soomaaliya ciidamada Itoobiya intay soo galaan inay wax ka qaban karaan, runtii waa la arkay wax kama qabanin, dadkii Soomaaliyeed way diideen dalkooda in la qabsado wayna ku dagaallameen” ayuu yiri Shariif Xasan.
Wuxuu kaloo ka codsaday Soomaalida inay nabadda u midoobaan, “Maanta Soomaaliya haddii run la sheegayo nabadda iyadaa u baahan, dadka Soomaaliyeed geedo hoostood ayay fadhiyaan” ayuu yiri isagoo sheegay inaanay kaligood nabadda meel marin karin oo dadka Soomaaliyeed ay ka codsanayaan in ay la qabtaan “Waxa aan rabno halamar lama wada heli karo, marka waxaa la rabaa inaan inta bilowno maalinba ku sikano, marka dambe si aan u gaarno, sharafteenii, qarannimadeenii iyo karaamadeenii, haddii kale oo bannanada aan joogno dagaalkana sii socdo dhibkana waa sii soconaa” ayuu yiri Shariif Xasan.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka Jabuuti, ayaa isaguna sheegay marxaladda la joogo inay muhiim tahay nabad in la raadiyo “Nabaddana hadba si ayaa lagu raadiyaa, waxaan xasuustaa sheekadii la sheegi jiray oo ahayd laba nin oo isku dhagtay oo is dhaqaajin weysay markay isku rafaadeen nin ayaa caqli keenay oo yiri, “War ninyahow ha la is daayo miyaan maqlay” marka kii kale wuxuu yiri “Anna waan maqlay aan is deyno waayahaye”. Haddii ha la is daayo sheekadu ay tahay oo Itoobiyana ha baxdo anagana danaheena aan ka shaqeysano, war ragow arrintaas maxaa ku jaban? Ma ceebaa ku jirta? Ceeb kuma jirto” ayuu yiri.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed maanta ay heystaan amni-darro iyo macluul, ayna dad gaaraya 3 Milyan iyo bar qarka u saaran yihiin macluul, haddii gargaar lala gaari waayo oo dhibaatada ay iska sii jiraanna “waxay noqoneysaa” buu yiri “Dad badan oo aanay xabbadi dilin inay macluuli disho”. Sheekh Shariif wuxuu Soomaalida ku baraarujiyay inay nabadda taageeradeeda ficil u badalaan, xaaladduna ay iska badashay sidii sannadkii 2007 ay adduunka iyo Itoobiyaba aaminsanaayeen.
Wuxuu sheegay in jawiga maanta lagu jiro iyo dagaalladii 19ka sano ay sababeen qofkii nabad sheega in la tuhmo “Soomaali meel kastoo ay joogtaba waxaan fareynaa haddii ay xaaladdu isbadasho oo Alle uu noo suuragaliyo cadowgaas inuu ka baxo dalka dhammaan waa in nabada laga shaqeeyaa, waa in dhiig Soomaaliyeed oo dambe uusan daadanin, wixii dhibaato ah oo jira waa in laga wada hadlaa, laakiin cid kasta meesha ay joogto mas’uuliyaddu iyada ayay saaran tahay, nabadda waa inay dhinaceeda ka raadiso wixii dhacayna waa in si daggan looga wada hadlo, oo ama Soomaali u dhaxeeya ama cid kale nagala dhaxeeya” ayuu yiri Sheekh Shariif.


Sourse Somaliweyn



















