Xuska Maalinta Nabadda
Daawo Sawira kale
Halkaan ka akhri

Maalinta Caalimiga ee Nabadda, ayaa shalay meelo ka mid ah Soomaaliya laga xusay, gaar ahaan magaalada Muqdisho, Maalintaas oo ay Qaramada Midoobey ku dhawaaqday Sanadkii 2001. , hase ahaatee xafladihii la isugu imaaday ayaa si weyn loogu qiimeyey maalintaas oo astaanta u ah nabad ka islaaxda qarammada, ummadaha iyo bulshooyinka dhexdooda.
Xilliga hadda lagu jiro, ummada Soomaaliyeed, waxay baahi xad dhaaf ah u qabtaa nabad in ay hesho, kuna naalooto. Xasiloonidu waxay dalkaan ka billaabatay in ay xumaato markii jabhado ku kaceen dowladdi hanti-wadaagga ahayd horaantii 1980-dii

Tan iyo dhicitaankii dowladdi dhexe billowgii 1990-dii waxaa joogto iyo caadiba noqday xassilonidarro iyo nabad la’aan. Arrintaas oo soo jiitaamaysay in ka badan labaatameeyo sano, waxay galaafatay nolol fara badan iyadoo gaysatay qasaaro hantiyeed oo baaxad leh.
Ka faa’idaysiga fursadaan, ayaa waxaa lagu soo bandhigay sida nabadda u wanaagsan tahay, waxaana diirada la saaray sidii loogu shaqeyn lahaa amniga iyo xasiloonida oo ah horumar qaran uu ku jiro. Sidaas darteed haddii aan la helin ammni iyo xasillooni waara lama gaari karo horumar la taaban karo.

Maalintan Caalamiga markii qaraakeeda la gaaray ayaa waxaa dadka ku nool Soomaaliya waxay ku jireen burbur iyo dagaallo aan kala gò lahayn, waqtigaas waxaa naga luntay fursad qaali ahayd ee lagu hergelin lahaa barnaamijka loo yaqaan Higsashada Gaariista Yoolalka Millanyumka (Millennium Development Goals – MDGs) . Kuwaas oo si caalami ah loogu hishiiyay, hase yeeshee heshiiska Baaqa Mallanyumka waxaa dadka soomaaliyeed u soo saxiixay bishii Sebtambar 2000, Mudane Dr. Cabulqaasim Salaad Xassan, oo Madexweyne ka ahaa Dowladdii KMG ahayd xilligaas.
Nabad la’aan ayaa ummadenna ku khasabtay in ay hirgelin wayso yoolasha ka kooban 8-da oo kala ah in La Ciribtiro Saboolnimada iyo Gaajada Baahsan, la Xaqiijiyo in Waxbarashada Asaasiga ah Tahay Caalami, Kor Loo Qaado Sinnaanta Jinsiga iyo Awoodsiinta Dumarka iyo in la Yareeyo Dhimashada Dhallaanka. Sidoo kale in la Horumariyo Caafimaadka Hooyada, lala Dagaalamo HIV/AIDS-ka, Duumada, TB-da iyo Cudurrada Kale ee Halista ah, la Hubiyo Deegaanku ahaado Mid Waara lana Xannaaneeyo iyo Dhisidda Isbahaysiga Horumarinta.
Waxaan si rajo iyo niyadsaami ku jirto u xuseynaa mar kale in nabaddu fure u tahay xasiloonida, horrumarka, iyadoo hirgelinta Yoolalka Mallanyumka qeyb mug leh ka tahay higsashada horukaca.
SomaliSwiss Muqdisho




















