Madaxa Midowga Afrika oo si wada jir ah uga Codsatay Dowladda Ethiopia in Ciidamadeedu ay sii joogaan Soomaaliya inta……

 afrika1

Halkaan ka akhri

Qalabka Warbaahinta dalka Masar ayaa Saaka laga shaaciyey in Dowladda Ethiopia ay ka aqbashay dalab uga yimid Golaha amaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika, kaasoo ku aadan inay ciidamadeeda baaqi ku sii ahaadaan Gudaha Soomaaliya.

Warku wuxuu intaa ku darayaa Sarkaal u hadlay Dowladda Ethiopia ayaa sheegay in waqti kooban ay ogolaadeen inay dib u dhigaan ka bixitaanka Ciidamadooda ee gudaha soomaaliya, kaasi oo ka bilaabanayay dhamaadka sanadkan.

Hase ahaatee Madaxa Midowga Afrika Mr Jean Ping iyo Gudoomiyaha Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika Gen. Ramtane Lamamra ay si wada jir ah magaalada Qaahira ee Dalka Masar uga sheegay in inta laga helayo Ciidamo dheeraad ah ay Ciidamada Ethiopia ay sii joogayaan gudaha soomaaliya.

Balse Sarkaal u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibeda Ethiopia oo ka gaabsaday magaciisa ayaa Wakaaladaha wararka caalamka u sheegay Ethiopia ay u dul qaadan kari la’dahay dib u dhaca beesha caalamka ee ku aaddan in ciidamo nabad ilaalineed ay u soo diraan dalka Soomaaliya, waxayna sidoo kale walaac ka muujisay burbur ku yimaada Dowladda KMG Soomaaliya iyo in la waayo wax beddela ciidamadooda.

Gen. Lamtane Lamamra oo ah Guddoomiyaha Guddiga nabad gelyada iyo ammaanka Midowga Afrika ayaa lagu wadaa inuu u boqoolo magaalada New York si uu Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ugala hadlo sidii taageero dhaqaale loogu heli lahaa ciidamada Midowga Afrika ee la qorsheynayo in la keeno dalka Soomaaliya.

Ururka Midowga Afrika ayaa haatan waxaa Soomaaliya ka jooga labo dal kaliya, waxaana ay ka cabsi qabaan in hadii ay Ciidamada Ethiopia ka baxaan ay dhici karto in Ciidamada tirada yar ee ka kala socda Uganda iyo Brundi ay waajahaan kacdoono aan dhamaad laheyn oo uga yimaada Islaamiyiinta mayalka adag.

SomaliSwiss  Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com