Somali & English
Halkan ka akhri
Golaha Amaanka ee Q.M ayaa Bayaan uu soo saaray ku sheegtay in Taageerayso, isla markaasna ay Garab taagan tahay DKMG ah, waxayna digniin culus siisay Dowladda Eritrea inay Cunaqabtayn doonto, haddii ay faraha ay kala baxiweyso Taageeridda Xoogaga ka soo horjeeda DKMG ah.
Sidoo kale Golaha Amaanka wuxuu ku tilmaamay Weeraradda lagu hayo DKMG ah mid lagu inqilaabayo Xukuumadda Sharciga ah ee Soomaaliya, wuxuuna ka digay Weeraradda ay Islaamiyiintu ku hayaan Ciidamada Xukuumadda KMG ah.
Mas’uul ka tirsan Siyaasiyiinta Qaramada Midoobay Mr. Leyn Pasco ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto waqti adag, Golahana waxaa hor yaala Go’aan adag oo ah in la Taageero Shacabka Soomaaliyeed lagana adkaado isku dayada lagu Bur-burinaya Dadaaladda lagu xaqiijinayo Nabadda ama in Xukuumadda Midnimadda Qaran ay iska Bur-burto oo ay qabsadaan Xoogaga Hubaysan ee ka soo horjeeda”.
Mr. Layn Pasco ayaa ku booriyay Xubnaha Golaha Amaanka ka tirsna ee 15-ka ah in ay oofiyaan Balanqaadkii ay DKMG ah u sameeyeen oo ah inay Garab Istaagaan iyo sidoo kale Ciidamadda AMISOM ee ku sugan Muqdisho.
Dhanka kale Safiiradda Maraykanka u fadhida Q.M Susan Rice ayaa iyadana tiri “Hadaynaan Teegeerin Soomaaliya waxay Khatar ugu jirtaa inay si dhab u ah u noqoto Hoy iyo saaxo ay ku tabo bartaan Kooxo doonaya inay Weeraro Argagixiso ah ku qaadaan Daafaha Aduunka”.
SomaliSwiss Mogadishu
UN mulls Eritrea sanctions over Somalia interference.
NEW YORK – The United Nations Security Council said it would consider taking appropriate measures against countries, including Eritrea, that provide aid to armed militant groups in Somalia.
The council “condemns the recent attacks on the Transitional Federal Government (TFG) and the civilian population by armed groups and foreign fighters who undermine peace and stability in Somalia,” it said in a declaration read by the body’s president for July, Ugandan Ambassador Ruhakana Rugunda.
Somalia’s fragile transitional government controls virtually no territory and has been unable to govern the country due to ongoing fighting with hardline militias.
The Security Council noted the African Union’s call for action against countries, including nearby Eritrea, that have provided support for the militants.
The UN body said it remained committed to the Djibouti peace process concluded in 2008 between the transitional government and a major Islamist opposition faction, which has failed to strengthen the TFG or produce peace.
“The Security Council is deeply concerned in this regard and will consider expeditiously what action to take against any party undermining the Djibouti Peace Process,” the declaration said.
The African Union, meeting in Libya last Friday, appealed to the Security Council to impose sanctions against Eritrea — a call echoed Wednesday by the Intergovernmental Authority on Development, an East African regional group.
Militia groups Shebab and Hezb al-Islam, a more political organization, launched an unprecedented nationwide offensive in May against the administration of Somalian President Sharif Sheikh Ahmed, who enjoys international backing.
But Sharif’s forces have been unable to reassert their authority over the capital Mogadishu.
Source: AFP






















