
Halkaan ka akhri
Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa shalay galab ka soo degay Garoonka Magaalada Muqdisho kadib safarro ay ku soo mareen dalalka Ethiopia, Uganda, Jabuuti, Libya iyo Kenya, kuwaas oo ay dowladda KMG ah ka codsatay taageero Militery oo deg deg ah.
Wafdiga dowladda KMG ah ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Sarsare ee Dowladda KMG Soomaaliya, waxaana si weyn amniga u sugayay ciidamada AMISOM. Hase yeeshee waxaa Sh.Shariif la socday Wasiirka Maaliyadda Shariif Xassan Sh.Aadan iyo Wasiiro kale oo uu ka mid ahaa Cali Jamac Jengali.
Ina uusan soo deign Wafdiga Madaxweynafa ayaa la xiray wadooyinka muhiimka ah ee isku xira Xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya iyo Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho waxaana hareeraha wadooyinkaas soo buux dhaafiyay ciidamada iyo Gaadiidka gaashaaman ee AMISOM, kuwaas oo sugayay amniga Madaxda DKMG ah.
Wafdiga madaxweynuhu ayaa ka soo qayb galay Shirkii M.Afrika ee ka dhacay Magaalada Sirta ee Dalka Liibiya waxayna kulamo xasaasi ah Magaalada Addis Ababa kula soo qaateen Madaxda Itoobiya gaar ahaan Melez Zenawi iyo Seum Mesfin kuwaas oo ay ka wada hadlayeen qaabkii ay u caawin lahaayeen Dawladda Sheikh Shariif Sh. Axmed uu hogaamiyo.
SomaliSwiss Muqdisho




















