|
Halkaan Ka dhageyso Wareysigii Halima Sacdiya
Waxaa taarikhdu marka ay ahayd 9kii bisha marso lagu qabtay magaalada geneva ee wadanka Switzerland tartan ka dhexeeyey gabdho laga soo xulay wadanka Swiss-ka gudihisa gabdhahaas oo lagu jecleystay sida ay ugu halgamaan nocyada kala duwan ee la xiriira arimaha bila aadanimo iyo bulshaba
Munaasabadan oo ay isugu yimaden 7 da Gebdhod ee la gudonsinayey Biladaha, 7daas Gabdhod oo ka kala socdeen Wadamo kala duwan, Halima Ahmed oo gashay kalinta kowad wadanka soomaaliya iyo gabdhaha kale oo ka kala yimid wadamada kala ah,
Gabdhahaas wada halgamaya ayaa xaliimo ka heshay bilad sharaf kaalinta koobaad oo loogu hibeeyay sida ay ula shaqayso dowlada hoose iyo community-ga soomaalida iyo waliba waaxda caafimad-ka ee ka shaqaysa ciribtirka gudniinka fircooniga. Waxaa ka soo qayb galay munaaasabadaas madax weynihi hore ee Swiss-ka ,duqa magaalada geneva, masuulka waaxda caafimadka Geneva, masuulka waaxda is dhex galka shacabka(Integration) masuulka waaxda arrimaha dumarka Safiirka Soomaalida u jooga wadankan Switzerland hay’ada UNICEF Swiss. Waxa ay maamul gobooleedka Geneva u aqonsadeen Halima shakhsiga u soo halgamay arrimaha dumarka iyo integration-ka waliba waxay ugu mahad celiyeen cawimaada ay ka siisay fahamka dhaqanka soomaalida taas oo sida u hadalka u dhigay duqa magaalada ay jaahil ka ahayeen hadana ay ku faraxsanyihin in ay fahmeen quruxdiisa oo aan ku koobnayn qaybta negatifka ah oo ah gudniinka fircooniga. Hadii an idiinka faleyno taarikhda halima waxa ay ku dhalatay Mogadishu Soomaaliya 23 Agosto sanadkii 1984 kadib qaraxyaddi dagaalada sookeye waxay halima soo gashay wadankan Switzerland 1993 halkaas oo ay ka gashay dugsi hoose/dhexe (grandes communes) kadib ay ka sii gashay iskuul ganacsi oo ay ka baratay dalxiiska waxay sanadkii 2005 aas aastay hay’ad lagu magacaabo DARYEEL N.G.O taas oo ka shaqaysa arimaha bila aadanimo . Waxa abaal marin looga dhigay sanadkan in ay Halimo la shaqayso UNICEF SWISS waxa ka mid ah fursadaha ay Halima heshay in ay la shaqayso dowlada hoose ee Geneva.
Waxaa ay mahad celin u jeedinaysa eheladeeda iyo dhamaan dadki wax la qabtay kuna garab istaagay hawsha ay haysay halima sacdiya waxa ay salaan gaar ah iyo mahad naq ba u jeedinaysa Ahmed Jamac Ahmed (furbool) oo kaalin weyn ka qaatay dhiiri galinteeda iyo shaqooyinka kala duwan ee ay qabato DARYEEL N.G.O
|
||
| GENEVA | ||
| Sawir qaade | ||
GARABEY |
||
SomaliSwiss GARABEY
GARABEY



















