Heesta Maanta :Waa ? Da’weynee Dalka Yaa IskaLeh


Halkan ka akhri
Sanad kasta bisha May 15keeda waxaa dalka Soomaaliya laga xusaa aasaaskii xisbigii gobanimo-doonka ahaa ee SYL, kaasoo ahaa kii ugu horeeyay ee dalka laga furo isagoo ay ku mideysanyihiin dadyowgii ku noolaa koofurta Soomaaliya.
Haddaba inta aanan u guda gelinn dhalintii aasaastay xisbigaas iyo axwaashiisa aan is weydiino sida uu ku bilowday fekerka xisbiga iyo dhalintii dhidibada u aastay.
Dhowr bilood ka hor 15kii May ee 1943kii, waxaa la isku raacsanyahay in C/qaadir Sakhaawadiin iyo Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmarke, oo ahaa laba saaxiibo oo aad isugu fog, ay is weydaarsadeen afkaar la xiriirta nidaamka gumeystaha iyo sida looga bixi karo iyadoo midba feker gaar ah uu qabay.
C/qadir Sheekh Sakhaawadiin oo ahaa ninkii keenay fekerkaas ayaa qabay in la aasaaso Jimciyad Islaami ah oo umadda mideeya inta Xisbi siyaasi ah loo gudbin, halka uu Yaasiin X. Cusmaan uu ka qabay in la aasaaso xisbi siyaasi ah oo shacabka oo dhan metela.
Wadahadaladooda way joogteeyeen iyagoo dhalin kalena kusoo biiriyay, illaa ay markii dambe isku raaceen in la aasaaso naadi ay dhalinta ku kulmaan oo ay isku bartaan waxna isku baraan gaar ahaa ku bartaan Luqadda Engriisiga oo aheyd mid ku cusub dalka,inta laga gaarayo waqti ku haboon oo xisbi siyaasi ah isu beddeli karo naadigaas, waxyna ugu magac dareen SYC Somali Youth Club.
Kulankii ugu dambeeyay ee ay yeesheen aasaasayaasha xisbigaas waxay isku raaceen 3 Qodob oo kala ah:-
-
In xukuumadda Engriiska ee dalka heysata loo qoro codsi ay ku doonayaa in ay furtaan Naadi la yiraahdo SYC.(Somali Youth Club) oo dhalinyarada ku kulanto.
-
In la kireeyo Guri u qalma howlaha dhalinyarada ee lagama maarmaanka u ah soona jiidan kara dhalinyarada.
-
In la dejiyo barnaamij kumeel gaar ah oo dabooli kara qorshaha shaqo ee loo baahanyahay lagama-maarmaana u ah howlaha dhaliyarada.
Markii ay qoreen codsigii ayay 13kii dhalinyaro waxay tageen xafiiskii xaakimkii isticmaarka ee Engriiska u fadhiyay Muqdisho waxyna u gudbiyeen codsigoodii, iyadoo qaar ka mid ah dhalintaas ay qabeen in fekerkooda guuleysan doono halka qaarna ay qabeen in ay xarig muteysan doonaan,laakiin wuxuu ugu jawaabay oraahdii caanka baxday ee aheyd:-
( Waxaad ka koobantihiin dhalinyardiina qabiilo kala duwan waxaana hubaal ah in aadan kuwa hishiin Karin feker iyo ra’yi toona, aniga waxaan idiin arkaa dhurwaayo iyo ari mooro lagu wada xareeyay, sideed naadi ugu hishiin kartaan khilaaf la’aan..)
Hase yeeshee, dhalintii 13ka aheyd oo aan hadal kulul ku celin Karin madaxa mustacmaradda ayaa ugu jawaabay , Hadalkaada waxaan ka dhiganeynaa cashar aan ka faa’iideysano, waxaana barbaarin doonnaa Dhurwaayada, si aysan ariga u cunin, mana fogaan doonto in aad aragto anagoo ku wada nool Naadiga oo aan wax muran iyo khilaaf uusan ka dhex jirin.
Maalmo ayay jawaab ka sugayeen ka dibna waxaa la soo gaarsiiyay warqad lagu xusay in Engriisku uu hadda ku jiro dagaal uusanna u baahneyn in siyaasadda la farageliyo, balse loo ogolaaday in ay furtaan naadi dhalinta ay ku kulmaan waxna ku bartaan.
Kulankii ugu horeeyayba waxay iska dhex doorteen madaxdii hoggamin laheyd naadiga.
Sheekh C/qaadir Sh. Sakhaawadiin ayay guddoomiye u doorteen halka Xaaji Maxamed Xuseen iyo Maxamed Xirsi Nuur(Siidii) loo doortay ku xigeeno iyadoo Yaasiin Xaaji Cusmaana loo doortay Xoghaye.
Xisbiga oo ujeedadiisa fog ay aheyd ka xoreynta dalka gumeystaha kusoo duulay ayaa wuxuu ka dhigtay talabadiisii ugu horeysay ee uu qaado la dagaalanka qabyaaladaa iyo midab kala sooca.
Dhaliyaradii aasaastay xisbiga SYC oo markii dambe isu beddelay SYL (Somali Youth Lego) waxay ahaayeen 13 dhalinyaro oo da’doodu aad u yaraeyd aqoontoodan aad u xaddidneyd. Waxaan halkaan idinku soo gudbineynaa magacyadooda iyo da’dooda iyo weliba sidii xubin nimada ay ugu kala horeeyeen:-
-
Magaca
-
Meesha Dhalasho
-
Gobol
-
Sanadka Dhalashada
-
Da’da
1. Cabdulqaadir Sakhaawadiin
Tayeeglow Bakool
1919 24 Jir
2. Maxamed Xirsi Nuur(Siidii)
Mareeg G/gadud
1915 28 Jir
3. Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmarke
Hobyo Mudug
1917 26 Jir
4. Xaaji Maxamed Xuseen Maxaad
Muqdisho Banadir
1917 26 Jir
5. Cusmaan Geeddi Raage
Muqdisho Banadir
1925 18 Jir
6. Dheere Xaaji Dheere
Muqdisho Banadir
1926 17 Jir
7. Daahir Xaaji Cusmaan (Dhegaweyne) Hobyo Mudug 1925 18 Jir
8. Cali Xasan Maslax
1919 24 Jir
9. Maxamed Cali Nuur
Mugadisho Banadir
1927 16 Jir
10. Maxamed Faarax Hilowle
Mareeg G/gaduud
1925 18 Jir
11. X. Maxamed Cabdulaahi Xayeesi
Muqdaisho Banadir
1918 25 Jir
12. Huudow Macalin Cabdulaahi Saalax
Mareereey Sh/hoose
1926 17 Jir
13. Maxamed Cusmaan Baarbe
Baardheere Gedo
1910 33 Jir
kuma koobnaanin 13kaas nin ee markiiba waxaa kusoo biiray dhalin aad u fara badan waxaa xusid mudan kaalintii lama ilaawaanka ahaa ee ay haweenka Soomaaliyeed kasoo qaateen xisbigaas SYL,waxaaba la
oran karaa maba najaxeen haddii aysan taakuleyn oo aysan garab istaagin haweenka.
Xisbigu wuxuu dhisay dowladdii daakhiliga aheyd wuxuuna lasoo kulmay dhibaatoouin fara badan illaa uu dalka ka gaarsiiyo madax banaani buuxda.
W/D, Safiyo Abuukar Karaani
(FG. Qormadaan waxaan ka xigtay Aabahey Xaaji Abuukar Maxamuud Karaani (Abukar Dariisho) oo ka mid ahaa dhalintii ku xigtay 13kii dhaliyado ka dib iyadoo sawiradana uu igaga tegay Allaha u naxariistee..). waxaan ka codsanayaa akhristayaasha in ay ka raali noqdaan wixii khalad ah ee ay kala kulmaan qormadaan ilana soo socodsiiyaan si aan u saxo.
Mahadsanidiin.
Safiyo Abukar Karaani
Sofiyaloren@hotmail.com







Taagan: Xaaji Abuukar Maxamuud Karaani (Abuukar Dariisho) Fadhia: Axmad Shire Laxaawo



Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

Somali Resulation
GUUL SOMALIA
Wariye Garabey




















